Kumaandooska Somalia iyo Kuwa Mareykan ah oo Weerar cir iyo dhul ah ku qaaday Deegaanka …

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helayay ciidamo Mareykan ah ayaa xalay weerar isugu jiray cir iyo dhul waxa ay ku qaadeen deegaanka Baladul Amiin oo kuyaala duleedka degmada Afgooye.

Ciidamada Huwanta ah oo watay diyaarado nuuca qumaatiga u kaca ayaa ku dagay duleedka deegaanka Baladul Amiin, waxa ayna ciidamada dhinaca lugta ah ku galeen deegaankaasi ay maamulaan Al Shabaab.

Dagaal xoogan ayaa la sheegay in uu dhax maray ciidanka weeraray Baladul Amiin iyo dagaalyahanada Al Shabaab, waxaa sidoo kale ciidamada huwanta ah diyaarado ku duqeeyeen qeybo kamid ah deegaanka Baladul Amiin.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday deegaanka Baladul Amiin khasaaro lagu gaarsiiyay dagaalyahanada Al Shbaaba ee ku sugnaa deegaankaasi.

Khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka iyo duqeynta ka dhacday deegaanka Baladul Amiin ee duleedka Degmada Afgooye ayaan wali si rasmi ah loo ogeyn, sidoo kale lama oga in weerarkaasi shacab uu khasaaro kasoo gaaray.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah ayaa si joogta weeraro isugu jira cir iyo dhul waxa ay xiliyada habeenkii ku qaadaan deegaanada ay Al Shabaab ka jogaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -